Ciidamo katirsan PMPF oo dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay miinooyin dhulka loogu aasay

Published: October 8, 2022

Laba kamid gaadiidka Ciidanka PMPF ayaa miino kula kacday agagaarka deegaanka sugurre ee Buuralayda Gobalka Bari.

Miinooyinkan oo ahaa nooca dhulka lagu aaso waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askartii la socotay labada gaadiid.

Ciidamadan oo howgal amni kujiray ayaa miinadu gaadiidkii ay saarnaayeen la kacday waxaana geeryooday ku dhawaad 9 askari halka ay dhaawacyaduna gaarayaan tiro intaa kabadan.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyiiyadda labada Qaraxa ee lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa badda Puntland ee PMPF.

Horseed Media