Ciidanka Boliiska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu Baangad ku diley Imaam Masjid

Published: March 30, 2023

Ciidanka Boliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa saldhigga degmada Wartanabadda ayaa gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay in uu dil ugaystay imaamka Masaajid ku yaalla Deegaanka Garasbaaleey.

Ninkan ayaa sidoo kale ku eedeysan inuu dhaawac u gaystay isla Mu’adinkii Masaajidkaasi.

Eedaysanaha ayaa dilka u adeegsaday Baangad, iyadoo haatan ay ku socoto baaritaano waxaana loo gudbiyay hay’adaha ku shaqada leh kiiskaan.

Dilkan oo dhacay xilli lagu gudo jira bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa dadweynuhuu aad uga argagaxeen.

Horseed Media