Ciidanka booliska oo gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan dilka wiil Bajaajle ah

Published: March 2, 2023
Shares2

Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan dilka wiil Bajaajle ah oo shalay lagu dilay meel u dhaw isgoyska Jubba dagmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aaden Cali (Doodishe) ayaa sheegay in ciidanka oo gacanta ku hayey baaritaanka kiiskaasi ay gacanta ku soo dhigeen nin ku eedaysan dilka Bajaajlaha, caddaaladdana la horgeynayo.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in nin dilka geystay uusan aheyn askari katirsan ciidamada Dowladda.

“Gacanta laamaha ammaanka ayuu ku jiraa ninka falka dilka u geystay marxuumka Bajaajlaha ahaa, waxay ahaayeen saaxiibo mana aheyn askari ka tirsa ciidanka qalabka Sida, waxaana u gudbineynaa hay’adaha ku shaqada leh si Caddaaladda loo marsiiyo “ ayuu yiri Afhayeenku.

Horseed Media