Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo kawada deegannada dhaca Koofurta Beledweyne

Published: April 17, 2023

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo kawada deegannada dhaca Koofurta Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Howlgalka waxaa hoggaaminayey Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinayaan saraakiil ciidan iyo Mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye Cali jeyte Cismaan ayaa sheegay in looga baahan yahay Ciidamada degaanka iyo dadka Shacabka iyo kuwa dowladda Soomaaliya in iyaga oo iskaashanaya ay siwadajir ah degaannadooda uga xorreeyan Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa ku soo aadaya xili ciidanka Dowladda ay kaabiga kuhayaan deegaanka Booco oo si dhuumaaleysi ah ay Al-shabaab ku yimaadaan.

Horseed Media