Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay degaanka Jameeco oo katirsan gobolka Hiiraan

Published: April 25, 2023
Shares2

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta ee deegaanka ayaa weerar qorsheysan ku qaaday degaanka  Jameeco oo u dhow magaalada Buurweyn ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka ayaa weerarkan kula wareegay deegaankaas oo ay horay u joogeen Al-Shabaab, si ay lagu sheegay war ka soo baxay Dowladda.

Sidoo kale ciidankii qabsaday deegaankaas ayaa sii wada howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka deegaanka Jameeco.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgallo culus oo ka dhan ah Al-shabaab ka weday deegaanadda gobolka Hiiraan, iyagoo la wareegayo deegaanno dhowr ah.

Horseed Media