Ciidmada Booliska ee gobolka Bari oo gacanta ku dhigay nin ku eedeysan inuu dil geystay

Published: December 10, 2022

Taliska qeybta Booliska ee gobolka Bari oo kaashanaya bulshada iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay Faarax Jibriil Xuseen oo ku eedeysan inuu dil u gestey Marxuum Maxamed Cabdirashiid Cabdirahman oo la diley 11ka bishii la soo dhaafay ee November.

Taliyaha Qeybta Booliiska ee gobolka Bari G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa
bulshada la wadaagay in eedeysanaha uu ku jiro gacanta ciidamada lana horkeeni doono sharciga.

Sidoo kale Taliyaha ayaa bulshada ugu baaqay meel looga soo wada jeesto cid kasta oo isku dayda khalkhal gelinyaan amniga.

Ugu dambeyn Taliyaha Qeybta Booliiska ee gobolka Bari G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa u mahadceliyey oo ka qeyb qaadatay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeysnahan la soo bandhigay.

Horseed Media