Culimaa’udiinka Jigjiga oo baaq ka soo saaray duulaankii Al Shabaab

Published: August 3, 2022

Culimmada magaalada Jigjiga ee xarunta Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa maanta yeeshay kulan uu ka qeyb galay Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar.

Kulanka Culimmada ayaa looga hadlay duulaankii Al Shabaab ay dhawaan ku qaadeen deegaano ka tirsan Dowlad Deegaanka.

Culimada ayaa kulankooda ka soo saaray aaq ka dhan ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Qodobada baaqa oo ka koobnaa ilaa sagaal ayaa u qornaa:

  1. Waxaan cambaaraynaynaa falalkii argagixisadu ka gaysteen Deegaankeenna.
  2. Waxaan taageeraynaa una hambalyaynaynaa guushii taariikhiga ahayd ee ay ku soo afjareen ciidankeennu hawlgalkii lagu sifaynayay Al-shabaab.
  3. Waxaan bogaadinaynaa kaalintii muhiimka ahayd ee xukuumadda iyo taageeradii shacabka Deegaanku u fidiyeen Ciidammada Xoogga Gaarka ah.
  4. Waxaan guud ahaan bulshada ugu baaqaynaa in ay sii labo jibbaaraan taageerada ay la garabtaagan yihiin ciidanka Deegaanka.
  5. Waxaan bulshada ugu baaqaynaa in ay ka digtoonaadaan falalka gurracan iyo fikirrada khaldan ee ay xambaarsan yihiin argagaxisada Al-shabaab.
  6. Waxaan bulshada u caddaynaynaa in ay Al-shabaab wax sal iyo raad ah ku lahayn diinteenna Islaamka.
  7. Waxaan culimmada Deegaanka ugu baaqaynaa in ay si joogto ah ugu caddeeyaan bulshada afkaarta khaldan ee ay aaminsan yihiin Al-shabaab, taas oo ku dhisan in ay gaalaysiiyaan dadka daadiyaanna dhiigga muslimiinta iyo khalkhal-gelintooda.
  8. In masaajidka iyo manaa birta bulshada looga sheego dhibaatada fikirka argagixisada Al-shabaab.
  9. In la garab-istaago hay’adaha amniga loona hoggaansamo dhammaan amarrada lagu sugayo amniga.

baaqa culimada

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *