Cumar Cabdirashiid Oo Ka Hadlay Digniintii Hay’adda NISA

Published: April 5, 2022

Raysal Wasaarihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay digniin xalay kasoo baxday hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka ee NISA.

Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa kaga hadlay digniin ay hay’adda NISA ku sheegtay shirqool ay Al-Shabaab ku dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Si kastaba ha ahaatee, digniintii ugu dambeysay ee twitter-ka ee NISA waxay muujineysaa argagaxa N&N ee ku aaddan qabsoomida doorashada. Haddii aan la soo saarin tillaabooyin ku filan oo lagu xakameynayo madaxda NISA, hay’addu waxay noqon doontaa tiyaatarka lagu qorsheynayo hawlo xunxun oo khatar gelinaya doorashada”.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *