Cumar Cabdirashiid: “Waa war farxad leh dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya

Published: May 8, 2021

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Senetor katirsan Aqalka sare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa soo dhaweeyay dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dowladaha Kenya iyo Soomaaliya kadib qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa dhanka kale qoraalkiisa kusoo dhaweeyay dadaalada ay dhexdhexaadinta ee dowlada Qadar ay kawado gudaha Soomaaliya.

“Waa war farxad leh dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya, Waxaan sidoo kale jeclahay inaan soo dhaweeyo dadaallada dhex-dhexaadinta ee Qadar”.

ayuu yiri ra’iisul wasaare hore omar abdirashid

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. War cumar,Cabdirashiid,sidii aad u maqbayd ku dhawaad afar ( 4 ) sano,aadan marna aadan ka qayb galin shirarkii aqalja sare ee Baarlamaan ka Soomaaliya,ayaad iminka waagii kuu baryey.
    War odayaasha reer qardhow shaqsi u diyaar ah in uu guto waajibaad kaasi u soo xulo,oo idko darsaday daacadnimo,ruug caada arimaha Soomaaliya iyo hadal yaqaan,guul Puntland iyo shacabkeeda iyo Soomaaliya guud ahaan.