Cumar Filish ”Forex waxaan aaminsanahay in dhaqaalaha waddanka dhibaato ku yahay”

Published: February 22, 2020

umar Maxamed Maxamuud Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo maanta shir uga qaybagalayay Magaalada Muqdisho ayaa ka sheekeyay dhibaatada ay dhaqaalaha wadanka ku hayaan shiradaha Forex.

Cumar Filish waxa uu sheegay in uu aaminsanahay ganacsigaan cusub in uu dhibaato ku yahay dhaqaalaha waddanka, waxa uu tilmaamey in maamulka Gobolka Banaadir ay joojiyeen ruqsad siinta shirkadahaas inta hadda shaqaysana ay baaris ku wadaaan, sidoo kale waxa uu xusay in Bangigga dawlada uu mar hore ka hadlay amaraona kasoo saaray.

Shaqsiyan waxaan aaminsanahay in dhaqaalaha soomaaliya dhibaato ku yahay, dad meelo kale joogana ay soo abaabuleen Maamulka gobolka Banaadirna waan joojinay in xarun cusub la diiwaangeliyo oo laga furo caasimada.”ayuu yiri Guddomiye Cumar Filish.

Duqa Muqdisho oo fasirayay sida loogu qayaanayo shacabka adeega forex ayaa tusaale u soo qaatay sida kalluumeysatada ay u dabto mallaayga taasoo mallaygu uu is yiraahdo cun hilibka makaalinta la soo geliyay balse isaga la cuno.

Waxa uu ka digey shacabka in adeegan markahore waxyar afka dadka loo gelinayo kadibna marka ay lacago badan keensadaan ugu dambeyntii la dhihi doono waa khasaarnay.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *