Dad ku dhintay dhul gariir ka dhacay dalka Ecuador

Published: March 19, 2023
Shares2

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 400 oo kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 6.7 uu ku dhuftay xeebaha koonfureed ee dalka Ecuador.

Dhismayaal ku yaal magaalooyin dhowr ah ayaa burburay markii dhulgariirku dhacay duhurnimadii maanta.

Gobolka koonfureed ee El Oro, ayaa ah kan ugu daran, waxaana ku dhintay 12 qof, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Waqooyiga dalka Peru ayaa laga dareemay dhulgariirka, iyadoo gabar 14 jir ah ay ku dhimatay Tumbes, oo ku taal xuduudka markii gurigeeda uu dumay.

Horseed Media