Dadka deegaanka Milxo oo weli ku dedaalaya soo badbaadinta nin uu ku dumay god dahabka laga qodo

Published: October 8, 2022

Waxaa weli deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag ka socda dedaallo lagu baadigoobayo nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Siciid, kaasoo sadqii dhexe ee Khamiista uu ku dumay god laga qoto dahabka.

Dadka deegaanka oo adeegsanaya qalabka ay heli karaan ayaa saacado badan ku qaatay qodida godkaas dumay, waxaana ay sheegayaan in aanay jirin cid maamul ah oo gacan u fidisay.

Dadka ku howlan badbaadintiisa ayaa sheegay in hadda loo dhow yahay meesha uu ku xaniban yahay Maxamed Siciid.

Sidoo kale waxa ay sheegeen inaan la xaqiijin karin inuu nool yahay iyo in uu geeriyooday.

Ma aha markii ugu horreysay ee dhacdan oo kale ay ka dhacdo deegaanka Milxo, waxaana horey sidan oo kale godad ugu dumeen dad lagu qiyaasay ilaa siddeed ruux.

Horseed Media