Dadweynaha dalka Turkiga oo berri u dareeraya doorasho

Published: May 13, 2023
Shares6

Maalinta Axadda ee berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 14-ka May, dalka Turkiga waxaa ka dhacaya doorasho Madaxweyne iyo mid Baarlamaan.

Waxaa codaynaya dad gaaraya 60 milyan, iyadoo Doorashadani ay tahay mid xiiso iyo xammaasad badan.

Waxay kusoo beegmaysaa 100 sano guuradii aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga, kadib markii Dagaalkii 1aad ee Adduunka ay ku burburtay Boqortooyadi Cusmaaniyiinta oo Turkiga iyo meelo kamid ah Bariga Dhexe iyo Yurub maamuli jirtay.

Madaxweynaha haatan talada haya Erdogan waxa uu ku ololeeyaa in Turkigu 100 sano jirsatay asagoo uu kaynaanka u hayo, oo dalka horumar baaxad leh gaarsiiyay intii uu hoggaaminayay.

Horseed Media