Dagaal Dhuusamareeb Ku Dhexmaraya DFS iyo Ahlu-sunna

Published: February 28, 2020

Magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug ayaa waxaa ka socda dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan halkaasi iyo Ciidamo taabacsan wadaadada Ahlu-sunnah Waljamaaca.

Dagaalka ayaa ka socda xarunta INJi halkaasi oo ay degan yihiin madaxda ahlu Sunnah iyo Ciidamo ka amarqaata, waxaana magaaladda la maqalayay hubka Culus oo ay isku adeegsanayay labada dhinac.

Maamulka Ahlu Sunna ee Galmudug oo BBC-da la hadlay ayaa ku eedeeyay ciidamadda Dowladda federaalka inay soo weerareen Xerada INJI, taasi oo dhalisay dagaalka ka socda magaaladda dhuusamareeb.

Xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu dhinacood ku eedeeyay ciidamada Ahlu Suunna ay ay xalay weerareen bar kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda federaalka

Wararku waxay intaas ku darayaan inay jiraan khasaare dhimasho iyo dhawac.

https://www.facebook.com/universalsomalitv/videos/196089975041224/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *