Dagaal maanta ka dhacay gudaha Magaalada Baydhabo

Published: December 23, 2022

Dagaal ayaa saaka ka dhacay bariga Magaalada Baydhabo, ka dib markii ciidamada amniga ay weerareen guriga mid ka mida siyaasiyiinta deegaanka, balse haatan ku maqan Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa xilligii Salaadda Subax ka dib weeraray hoyga Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), oo ku yaala dhabarka dambe ee Isgoyska Samafone, iyadoona uu dagaalku ku fiday dhanka Dr. Ayuub Stadium iyo xaafadaha kale ee ku dhow dhow.

Dhawaqa rasaasta ayaa si wayn looga maqlayaa gudaha gagaalada Baydhabo inkastoo aan la ogayn khasaaraha rasmiga ee kadhashay dagaalka

Musharax Madaxwayne Koonfur Galbeed, Maxamed Farkeeti, ayaa sheegay in ciidamo ka amar-qaata Laftagareen ay weerareen gurigiisa.

Qoraal uu ku daabacay Facebook-ga ayuu ku yiri: “Waxaa saaka aroortii gurigeyga Baydhabo ku yaal weerar gardaro ah ku soo qaaday ciidamo isugu jira Booliska Federalka, NISA, Ciidanka Xooga SNA iyo darawiishta KG. Wilina dagaalka wuu socdaa”.

Dhankeeda Wasaaradda Amniga Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay in la soo weeraray Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo ku guda jira Shaqooyinkooda caadiga ah.

Koonfur Galbeed waxaa muddooyinkanba ka taagnaa xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay muddo kordhintii uu dhawaan Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo muddo xileedkiisu ku ekaa 19-kii bishan.

Horseed Media