Dagaal mar kale dib uga qarxay dalka Suudaan, kadib xabbad-joojintii ay ku dhowaaqeen dhinacyada dagaallamaya

Published: April 26, 2023
Shares144

Dagaal ayaa mar kale ka qarxay dalka Suudaan, kadib xabbad-joojintii ay ku dhowaaqeen dhinacyada dagaallamaya, halka ergeyga Qaramada Midoobey uu sheegay in xabbad-joojint ay qeyb ahaan dhaqan gashay.

Rasaas iyo qaraxyo ayaa xalay laga maqlay magaalada Omdurman, halkaasi oo ciidamada ay adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn si ay u beegsadaan aagagga Dacmu Sariic.

Sidoo kale Militariga ayaa drone u adeegsaday si ay dagaalyahannada uga celiyaan goob saliidda lagu sifeeyo oo ku taalla Bahri, oo ah magaalada saddexaad ee ku teedsan webiga Nile.

Ciidamada Militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic ama RSF ayaa xabbad-joojin 72 saac isku raacay taasi oo billaabaneysay Talaadadii kadib dhex-dhexaadin ay sameeyeen Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Sudan, Volker Perthes ayaa Golaha Ammaanka u sheegay Talaadada in xabbad-joojinta “ay u muuqato inay illaa hadda ka dhaqan-gashay qeybo ka mid ah dalka.”

Horseed Media