Dagaal xooggan oo ka socda gobolka Kharkiv ee dalka Ukraine

Published: May 11, 2024

Dagaal ba’an ayaa Sabtidii ka socday gacan ku haynta tuulooyin badan oo u dhow xudduudda Ruushka, iyadoo militariga Ruushka ay doonayeen inay cadaadis ku saaraan weerarrada ay ka geysanayaan waqooyi bari ee gobolka Kharkiv, ayuu yiri guddoomiyaha Kharkiv.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay qabsadeen shan tuulo oo xuduudda ku yaalla ee gobolka Kharkiv.

Milateriga Ukraine ayaa sheegay in ciidamo xoojin ah loo diray gobolka si ay gacan uga geystaan xasilinta goobaha ayna xaddidaan duulaanka Ruushka ay soo qaadeen Jimcihii shalay.

Saraakiisha sare ee Ukraine ayaa ku celceliyay inaysan rumaysnayn in Ruushku awood u leeyahay inuu qabsan karo magaalada Kharkiv, oo ay ku nool yihiin 1.3 milyan oo qof.

Horseed Media