Dagaal xoogleh oo dib uga qarxay magaalada Khartoum, Sudan

Published: June 12, 2023

Dagaalka ka socda caasimada Sudan ee Khartoum ayaa sii xoogeystay ka dib muddo kooban oo xabadjoojin dhaqangashay Sabtidii lasoo dhaafay.

7 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalka, iyadoo ciidamadu dowlada ay bilaabeen duqeymo xagga cirka ah oo ay ku qaadeen saldhigyada maleeshiyaadka RSF-ta.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu dib uga soo cusboonaaday waqooyiga magaalada Omdurman, deegaanka El-Geneina oo u dhow xuduuda dalka Chad, iyo El-Obeid oo ah caasimadda gobolka Kordofan oo waqooyi-galbeed uga beegan Khartoum.

Waxaa muuqata inay gebi ahaan burburtay waan waantii ay wadeen dalalka Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya oo garwadeen ka ahaa dadaalka lagu doonayo in la furo wadooyinka lagu daad gureyn karo shacabka iyo marrinka gargaarka bini’aadamnimo ee goobaha uu ka socdo dagaalkan oo soo bilowday 15-kii bishii April.