Dagaalka ka socda Suudaan oo galay toddobaadkii saddexaad

Published: April 30, 2023
Shares72

Dagaalka ka socda dalka Suudaan ayaa galay toddobaadkii saddexaad, waxaana sii kordhaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawac soo gaaraya dadka shacabka ah.

In ka badan 50 kun oo qof ayaa ka cararay colaadda Suudaan, iyaga oo u gudbay Waddamada deriska la ah.

Dhinaca kale, boqolaal ajaanib ah oo ku sugnaa dalkaas ayaa dawladdoodu ka daad gureeyeen.

Isku dayo badan oo la doonayey in lagu joojiyo dagaalkaas ayaa fashilmay kadib markii ay labada dhinac ee dagaalamaya ay joojin waayeen xabadda.

Horseed Media