Dallada Mucaaradka Puntland oo ka digey qorshaha madaxweyne Deni

Published: October 19, 2023

Warsaxaafadeed ka soo baxay dallada mucaaradka Puntland hoos ka akhri:

Dallada Mucaaradka Puntland waxay bulshada la wadaageysaa khatarta iyo marin ahaabinta joogtada ah ee sidii looga bartay xukuumadda wakhtigeedu dhammaadka yahay ay dadka Puntland uga weecineyso waaqica jira iyo tubta toosan.

Waxaana marag madoonta ah in Madaxweynuhu xiriir la samaynayo deegaanada kala duwan ee Puntland isagoo ka codsanaya in ay taageeraan khudbadiisii caal-waaga ahayd, islamarkaana uu ku bixinaayo dhaqaale qabashada shirar uu bulshadda isaga horkeenayo, taasoo ay ka dhalatay inay hadalo xanaf leh hawada isu marinayaan bulsho magaalo ku wadanooli, halka taa bedelkeeda ay Mudnayd in uu ku bixiyo Mushaharaadka Shaqaalaha iyo ciidamada mushahar la’aanta ah muddada dheer.

Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu maalmahaan ku hawlan yahay abaabul ciidan si uu dagaal dalka u geliyo, waxaana taas caddayn u ah booqashadda xeryaha ciidanka sida: Taliska Ciidanka Daraawiishta ce 54aad, la kulanka saraakiisha ciidamadda ugu saraysa, gaar ahaan kuwa hawl- gelinta u qaabilsan iyo kuwa uu sida gaarka ah ugu kalsoon yahay.

Abaabulka colaadda uu wado madaxweynuhu waxay dadka reer Puntland xusuusinaysaa dagaaladdii uu ka ridey Boosaaso iyo Garoowe kuwaas geystey khasare aan weli laga soo kaban, waxayna arrintaan marag-madoonto u tahay sida madaxweynuhu u doonayo inuu xukunka ku joogo qori caaradiis muddo kororsina ku xalaalaysto.

Waxaan ku kalsoonahay in kalaqaybin bulsho iyo xukun maroorsi toona ahayn dariiq lagu najoxo ee ay tahay horseed guuldaro iyo fashil siyaasadeed, waana waddo maristeeda horay loo soo tijaabiyey oo aan la mahadin.

Dalladdu waxay bogaadineysaa soona dhoweyneysaa baaqyada ka soo yeeraya waxgaradka Puntland ee masuuliyadda iyo fariinta wanaagsan xanbaarsan.

DHAMAAD