Danjire Cali Cabdi Awaare oo ka hadlay Heshiiska Soomaaliya iyo Masar

Published: August 15, 2024

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar Danjire Cali Cabdi Awaare, ayaa bogaadiyay qodobbadii ka soo baxay shirkii magaalada Qaahira ku dhexmaray Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi.

Safiirka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu soo dhawaynayo qodobbadii kasoo baxay shir madaxeedka, isagoo xusay in heshiiska wadajirka ah ee difaaca looga gol-leeyahay sidii looga hortagi lahaa “Mar-madow amni” oo ka dhaca Soomaaliya inta lagu jiro marxaladda kala guurka ah kaddib marka uu dhammaado howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Safiirka ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne El-Sisi ballan qaadkii Masar ee ahaa in ay ka mid noqon doonto dalalka ciidamada ku biirin doona Soomaaliya marka uu dhamaado howlgalka ATMIS.

Wuxuu intaas ku daray in heshiiska labada dal ay ka mid yihiin tababaro iyo taageero dhanka qalabka ah iyo in ciidamada Masar iyo kuwa Soomaaliya ay iska kaashadaan howlgallada.

Danjire Awaare ayaa sidoo kale muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Masar ay u fidisay midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, isla markaana ay ku diiday faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha.

Waxa uu tilmaamay inay jiraan tillaabooyin kor loogu qaadayo iskaashiga labada dal, waxa uuna carabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya u dooneyso inay mustaqbalka kordhiso iskaashiga kala dhexeeya Masar.

Horseed Media