Dawlada Soomaaliya oo martigelisay shir ay yeelanayaan Kenya, Jabuuti & Itoobiya

Published: January 31, 2023
Shares20

Dawlada Soomaaliya ayaa maanta martigelineysa shir ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Wasiiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee dalalka Kenya, Djibouti iyo Itoobiya.

Shirka ayaa looga hadli doonaa isku dubaridka taageerada dalalka Safka Hore iyo iskaashiga hawlagalada ka socda Soomaaliya.

Shirkan ayaa sidoo kale si hoose looga hadli doonaa in si wadajir ah looga hortago khatarka Al-Shabaab baxsadka ay ku keeni karaan nabadgelyada gobolka, iskaashi buuxda oo ay yeeshaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Ciidanka aan ATMIS ka tirsaneyn ee Soomaaliya jooga.

Shirkan ay maanta Muqdisho ku yeelanayaan madaxda Dalalka Safka Hore ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa Soomaaliya oo cagta saartey dariiqii dalka dib nabad buuxda loogu soo celin lahaa, loogana saari lahaa Al-Shabaab.

Horseed Media