Deg-Deg: Dasturka Puntland oo Isbeddel Lagu Sameeyey

Published: July 25, 2023
Shares94

Golaha wakiilada ee Puntland ayaa fadhigoodi maanta waxay si rasmi ah wax uga beddeleen dastuurka Puntland, gaar ahaan qodobada la xiriira Dorashooyinka iyo xasaanadda Xildhibanada.

Fadhiga waxaa ka soo qaybgalay Xildhibano gaaraya 60 Xildhibaan oo ka tirsan 66-da Xildhbaan ee golaha wakilada Puntland, tan oo ka dhigaysa tiradii ugu badneyd ee isu yimaada tan iyo doorashadii 2019.

Golaha ayaa loo soo jeediyey wax ka beddelka qodobada 46, farqadiisa saddexaad oo dhigeysey sidan Saddexda urur siyaasadeed ee ugu codadka badan tartanka kowaad ee Golayaasha Deegaanka ayaa noqonaya saddexda xisbi siyaasadeed ee rasmiga ah.

Qodobka 46 (3) ayaa lagu beddeley dorasada u horeysey ururada siyaasadeed ee isdiiwaan geliyey kuwaas oo codad ka helay doorashooyinkii goloyaasha deegaanka ayaa noqonaya Xisbiyada dalka, sidoo kale qodobkan ayaa lagu xirey qodob kale oo oranaya in shan sano kadib doorashooyinka kowaad markii ay dhacaan tan labaad urur kasta oo doorashada goloyaasha deegaanka ka hela 5% uu noqonaayo Xisbi, waxaana meesha laga saarey in jiritaanka xisbiyada siyaasadeed ay gaarayaan 10 sano, iyada oo la beddeley qodobka 46 (4) ee u dhigneyd sidan Labadii xilli doorasho kadibba waxaa furmaya tartanka ururada siyaasadeed.

Golaha wakiilada ayaa beddeley qodobka 64aad ee Awoodaha Golaha wakiilada farqadiisa (8aad) ee ah doorashada Madaxweynaha, waxaana laga dhigey in Madaxweynaha ay soo doortaan Shacabku, qodobkan faahfaahin dheeraad ah ayuu u baahan yahay gaar ahaan marka laga hadlaayo natiijada Madaxweynuhu ku soo bixi karo, sida uu musharax ku noqon karo iyo waxyaabo kale oo badan.

Qodobada kale ee la beddeley waxaa kamd ah qodobada 112 iyo 113 ee ka hadlaaya tirada Guddiga Doorashooyinka ee Puntland iyo qaabka ay ku kala imaanayaan ama hay’adaha soo kala magacaabaya.

Dhanka kale Xildhibaanada ayaa wax ka beddel hadda ka hor ay sameeyeen ee ahayd sida Xildhibanku ku waayi karo xuquuqdiisa xildhibaanimo oo ahayd markii hore hal dheeri tiada guud ee Xildhibaanada Puntland ayaa laga dhigey saddex meelood laba meelood codkooda in uu ku waayi karo.

Soo jeedinta wax ka beddelka dastuurka waxaa u codeeyey 54 Xildhibaan, waxaa diidey 6 Xildhibaan oo keliya.

Sida uu qabo dastuurku marka wax laga beddelo waxaa lagu faafinayaa wareegto Madaxweyne, loomana adeegsan karo diidmada qayaxan ee madaxweynaha.

Warkan oo faahfaahsan gadaal ayaa laga daabii doonaa.

Horseed Media