Gen Indha-cadde '' Alshabaab meel kasta oo dawlada ah ayay ku milantay''

Published: January 22, 2020

Wasiiru dawlihii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) ayaa sheegay in ururka Alshabaab ay meelkasta oo dawlada ah ku milmeen, sidoo kale ay qayb ka noqdeen hay’adihii dawlada. sidoo kale waxa uu xusay in Alshabaab ay cadaatay in ay ka been-sheegeen diinta isla markaana ay meelkasta galeen.

“Waa korortay ku milanka Al-Shabaab ee hey’adaha dowladda, nimankaan diin ayay ku bilwdeen oo ay ka been sheegayeen, maantana waxay isu bedeleen niman Maafiyo ah sida maafiyadii Talyaaniga oo kale, maafiyada marka ay awood beeshay waxay isu bedeshay koox dadka dhaca, dadka baada albaab walba ku jira, haddii ay dowlad tahay iyo rayid” ayuu yiri Yuusuf Indha Cadde.

Gen Idha-acdde ugu danbayn waxa uu xusay in dhamaan hay’adaha Amnigga ay ka tageen dadkii shaqadaas yaqaaney ee Alshabaab meelkasta uga daba-tegi lahaa, ugu danbayn waxa uu xusay in hadda Alshabaab uusan wax dagaal ku socon taasna ay u fudaydisay in ay si fududu meelkasta u galaan, maadama mashquul aysan ahayn.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *