Deni iyo Xasan Sheekh Hadda Miyey Gar-waaqsadeen In Ay Isu Baahan Yihiin?

Published: August 22, 2023
Shares108

Ciyaarihii kubadda cagta ee gobolada Puntland ayaa lagu wadaa 01 September 2023 ay ka furmaan xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo. Madaxweynaha Puntland oo hadda safar ku maqan ayaa doonaya in uu furo ciyaaraha kubadda cagta ee Puntland.

Deni yo Xasan Sheekh

Xogta Horseed Media heleyso ayaa sheegaysa in wefdi hordhac u ah safaraka Madaxweynaha ay gaareen magaalada Gaalkacyo kaas oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Maaliyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, horeyna waxaa u joogey Gaalkacyo qaar kamid ah wasiirada Puntland.

XASAN SHEEKH IYO GALMUDUG

Dhamaadka todobaadkan ama bilowga kan kale waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu yimaado Gaalkacyo. Xasan Sheekh oo hadda ku sugan Dhuusamareeb todobaadkii saddexaad ayaa sugaya qabashada Ceelbuur iyo Galhareeri si uu muruqiisa u muujiyo , ka hor safarka Gaalkacyo.

Xog Horseed Media soo gaartey ayaa sheegaysa in labada masuul ay wada hadleen tiro ka saddex jeer todobaadyadii u danbeeyey waxaa lagu wadaa in is arag toos ah ay ku yeeshaan Gaalkacyo.

HOOS U DHAC DHAQAALE

Puntland waxay xubin ka tahay dowaldda federaalka, khilaafka u dhexeeya labada dhinac ayaa keenay in gebi ahaanba mashariicdii ay wada istaagtey, waxaa jira qaar badan oo kamid ah wasaaradaha Puntland sida, maaliyadda, Deegaanka, Haweenka, Qorsheynta, Hawlaha Guud iyo qaar kale ay ku xiran yihiin mashaariicda Baanka Adduunka kuwaas oo gebi ahaanba istaagey. Wasaradda Maaliyadda ee Dowladda federaalka ayaa diidey in ay Puntland u soo wareejiso kabkii Miisaaniyadda ee Baanka Adduunka, taas oo Wasiirka maaliyadda ee Puntland si toos ah u dalbadey.

MUSHAHARAADKA LA WAAYEY

Mushaharaadka shaqaalaha Puntland ee caadiga ah lama bixin muddo ka badan 5 bilood, sidoo kale gunnada ayaa noqotey mid bil dhaaf loo helo, ciidamada oo aan horey mushaharku uga go’i jirin ayaa bilaabey cabasho iyo in ay banaanka u soo baxaan.

Sida uu Horseed Media u sheegeay sarkaal sare oo ka shaqeeya cashuuradka, way jirtaa in dakhligu is dhimey marka la eego bilaha xagaaga ee lagu jiro, inkasta oo dhaqaale dheeraad ah soo xeroodey intii lagu jirey Carafada, laakiin ugu yaraan bil kasta waxaa khasnadda dowladda Puntland ku soo dhaca $5 ilaa $6 milyan oo dollar, waxaase la is weydiinayaa sababta keentey in la bixin waayo mushaharaadka.

Sarkaal kale oo u shaqeeya Dekadda Bosaso oo Horseed kula hadley inaan magiciisa la xigan ayaa sheegay, in doorashadii federaalka ka hor dhaqaalaha DPWorld ee dekadda Boosaaso si gaar ah Imaaraadku ugu naas-nuujin jireen Madaxweyne Deni taas oo ku dhici jirtey Akoon gaar ah, laakiin hadda DPWorld ay kharashkeeda urursato, taas oo keentey in Madaxweyne Deni dib ugu noqdey khasnadda dowladda oo hadda laga bixiyey dhaqaalihii dastuurka lagu fury ee Xildhibaanadu qaateen, waxaana ay noqotey culeys ku soo kordhey miisaaniyadda Puntland iyada oo muddo xileedkii dhaw yahay.

KULANKA DANI KU BADAY

Waxaa muuqata in Madaxweyne Deni hadda garwaaqsadey in uu u baahan yahay dowladda federaalka, si loo sii daayo mashaarciida, halka madaxweyne Xasan Sheekh doonaayo in Puntland ka qaybqaadato kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan loo ballansan yahay oo kulanku aanu noqon mid doceed ah oo Puntland markasta gooni loo arko. Xasan Sheekh wax weyn ayaa uga xiran Pntland waxaana u horeeya geedi socodka dowladnimada iyo deyn cafinta, oo aysan suurta gal ahayn in uu dhamaystiro haddii aanu Puntland helin.

Horseed Media