Deni oo casho-sharaf u sameeyey wafuuda Issimada & Qurbo-joog – Video

Published: December 7, 2023

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay Isimo, Gacansato, Waxgaradka, Culimaa’udiin, iyo Qurbojoog ka kala yimi Gobolada Soomaaliya iyo Wadamada Dibedda kuwaas oo maalmahan booqasho ku joogay Puntland.

Wafuudan ayaa kamid ahaa issimada ka yimid gobalada Gedo iyo Galgaduud oo qeyb ka ahaa dadaaladii loogu jiray xalinta khilaafaadka doorashooyinka Puntland.

Xafladan ayuu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni uga dhawaaqay go’aankiisii ahaa inuu aqbalay in doorashada Puntland ay dhacdo xiligeeda 8da Janaayo iyadoo Baarlamaanka soo dooranayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka.

Horseed Media