DF iyo Hay'ada UNDP oo Ka Wadahadlay Dhameystirka Howlaha Dib-u-eegista Dastuurka

Published: January 20, 2020

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Saalax Axmed Jaamac oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dr. Xuseen Cabdi Cilmi iyo Agaasimaha Guud Maxamed Abukar Zubeyr ayaa Maanta waxaa ay kulan la qaateen maamulka sare ee hay’adda UNDP.

Kulanka  waxaa ay labada dhinac ay uga wada hadleen wada shaqaynta iyo taageerada geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka KMG, iyaga oo ku wada heshiiyey inay iskaashi sameeyaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in hay’adda UNDP ay kawada Hadleyn sidii kaalin weyn ay uga Qaadan Dhameystirka howlaha dib  u eegista ee Dastuurka KMG ee somaaliya.

Maamula iyo Madaxda ka socotay hay’adda UNDP aya dhankooda balan qaadeeyn  in doorweyn iyo garab istaagi doonaan Guddiya ku howlan dib u eegista Dastuurka dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *