DFS iyo Bangiga Aduunka oo Heshiis Cusub Qalinka ku Duugay

Published: February 28, 2020

Wasiirka maaliyada ee Dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Bayre ayaa magaaladda Washington ku Saxiixay Heshiis ku saabsanaa  wanaajin  iyo dub-u-soo laabashada Soomaaliya ee Wadashaqeyntii tooska aheyd ee Bangiga Aduunka.

Wasiir Bayle waxa uu sheegay in Somaliya ay si toos ah uga faa’iidaysan doonto deeqayaha iyo mashaariicda horumarineed ee Bangiga adduunka markii u horraysay muddo 30 sanno ah.

“Wadadii dheereyd ee isbadalka Maaliyadda iyo dhaqaalaha halkaan kuma ekaandoonto, maanta waa biloow wanaagsan oo qof walba oo Soomaali ah uu ku farxikaro balse isma dhigan doono, howshuna way sii soconaysaa ilaa aan ka gaarno isku filnaasho buuxda, inagoo ka faa’iideysan doona kheyraadka Dalkeena” ayuu yiri Wasiir Bayle

https://www.facebook.com/abdirahmanduale.beileh/videos/847760545636377/

Dhinaca kale, Hay’ada lacagta Adduunka ee IMF waxa ay sheegtay inay hay’adoodu heshay lacag ku filan oo lagu bixin karo deynta Soomaalia lagu leeyahay, sidoo kale waxaa jira ay hay’adu sheegtay dalal kale oo balan qaaday in ay diyaar u yihiin ka qeyb galka bixinta Deymaha Soomaaliya lagu leeyahay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *