DFS oo ka hadashay gaari ay leeyihiin ciidamadda ATMIS oo si iskiis ah ugu qarxay Muqdisho

Published: April 3, 2023

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin looga bixiyey qarax galabta ka dhacay degmada Hodan, kaas oo sababay dhaawacyada seddax qof.

Qoraalka ayaa lagu in KM4 wadada aada Tarabunka, gaar ahaan agagaarka xarunta CID-da ee ka soo horjeedka Hotel Giyajo, uu ka dhacay qarax ka dhashay gaari noociisu yahay JAMES oo xamuulka qaada, kaas oo ka mid ahaa  kolonyo Ciidanka ATMIS qeybtooda Burundi.

Qarax ayaa ka dhashay dab gaariga qabsaday, isla markaana, wqxa uu dhaawacyo u badan gubasho gaarsiiyay ilaa 3 qof oo shacab ah oo goobta ka ag dhawaa.

“Waxaa dadkii gurmad u fididiyay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, hadda waxaa socota baaris la xariira sababta, wixii ku soo kordhana dib ayaan ummadda ula wadaagi doonaa,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Booliska Soomaaliya.

Horseed Media