DFS oo ka qaybgashay shirwaynaha mustaqbalka shaqada.

Published: February 5, 2020

Sadiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay shir weynaha mustaqbalka shaqada oo ka furmay  magaalada Paris ee dalka Faransiiska, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa shirka ku soo bandhigay shirkaas dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee xal u helida shaqo la’aanta ka jirtay dalka .

“Wasaaradda aan hoggaamiyo wax ay dadal muuqda ku bixisay sannadkii tagay  sidii loo heli lahaa fursado shaqo iyadoo aan ka duuleyno tirada ugu badan oo dadkeena ah dhallinyaro si ay u helan fursado shaqo oo ay kagag marmaan shaqo la’aanta soo wajahaday .” ayuu yiri Wasiir Sadiq

Shir weynaha ayaa intii u socday waxaa  diiradda lagu saaray sidii ay wadda shaqayn dhow u yeellan lahayeen shaqaalaha iyo maamulka ay  hoostagaan si ay u yaraato ka war qab la’aanta xaaladda dadka ka shaqeeya xaruumaha dowladda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *