DFS oo oo tartan furan gelisay shirkadaha u Adeegaya Xujeyda

Published: March 2, 2020

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in tartan furan ay galinaysa shirkadaha doonaya inay u adeegaan xujayda sanadkan 1440H/2019.

Wasaaradu waxay sheegtay in muddo ah ay soo wadday dejinta habkii iyo hanaankii lagu gudan lahaa shaqada Qaran ee u adeegidda Xujayda Soomaaliyeed ee xajka sanadkan 1441/2020;

Wasaaradu waxay kalo sheegay in siyaasadda Dolowadda Federaalka Soomaaliyeed ay ku dhisan hufnaan & gudashada ammaanada Umadda Soomaaliyeed si’ waafaqsan Danta Dalka & Diinta

Wasaaradu waxay soo saartay qodobadan:

⦁ In adeegga Xajka sanad kasta yahay Tartan furan,

⦁ In Qabashada araajida iyo galalka shirkadaha danaynaya u adeegidda xujayda Soomaaliyeed ee sanadkan 1441/2020 ay soo gudbistaan galalkooda codsi muddada u dhaxaysa 04/03/2020 – 11/03/2020.

⦁ U adeegidda xujayda Soomaaliyeed waxaa loo galayaa Tartan furan oo ay simanyihiin shirkadaha Soomaaliyeed ee ku soo gudbista galalkooda codsi sanadkan 1441/2020 muddada sare ku xusan.

Dhinaca kale, Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa toddobaadkan joojisay Fiisayaashii Dal-ku-galka ee ay siin jirtay dadka muslimiinta ee doonaya inay soo cimraystaan oo soo booqdaan baytka ilaahay baqdi laga qabo faafitaanka cudurka coronovirus.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *