DFS oo shaacisay inay soo dhowaynayso rabitaanka & go’aanada dadka reer Laascaanod

Published: February 7, 2023
Shares16

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay mowqifkeeda ee ku aaddan xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Shir Jaraa’id uu magaalada Muqdisho ku qabtay wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya aaminsan tahay in dhibaatada ka soo cusboonaatay Magaalada Laascaanood ay tahay mid siyaasadeed oo u dhaxeysa dad Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay Dowladda soo dhoweyneyso rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod.

“Dawladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod”.

Ugu dambeyn Wasiirka wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay inay Dowladu ku baaqayso in si degdeg ah loo joojiyo colaada Laascaanood, iyadoo dadka Masuuliyiinta ee labada dhinac ay hormuud ka noqdaan dejinta iyo wada xaajoodka arimaha laysku hayo.

Horseed Media