Digreeto ka soo baxday taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa isbadal lagula sameeyay taliska, qaybaha iyo saldhigyada Booliiska ee degmooyinka Galmudug,
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/02/Booliska-galmud-1024x576.jpg)
Taliyaha Booliiska Galmudug ayaa loo magacaabey G/Sare: C/Kariin Xussen Macalin , Taliye xigeenka Booliiska Galmudug ayaa isna loo magacaabey G/sare Maxamed Nuur Cali .
Taliyaasha degmooyinka ee la soo magacaabey waxaan qayb ka ah Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb oo loo magacaabey Dhamme Burhaan Axmad Rooble ,
Isbadalka ayaa saameeyey Qaybaha Guud ee Gobolada Mudug , Galgaduud iyo Degmooyinka Dhuusamareeb , Caabudwaaq , Hobyo , Xeraale iyo Balamballe, sidokaale degamada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Wareegtadan ayaa soo baxayday iyadoo Maamulka Galmudug ay dhawaan doorteen Madaxweyne, Madaxweyne ku-xigeen iyo Guddoomiye Barlamaanka.
Akhirso Wareegtada
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/02/717f7afb-5f3a-452a-bb7f-ba4f737a7ef9.jpg)
HORSEEDMEDIA