Musharxiinta Madaxweynaha Galmudug oo soo jeediyey Barnaamijkooda Siyaasadeed

Published: January 29, 2020

Magaalada Dhuusa-mareeb waxaa maanta ka dhacdey dhagaysigga khudbadaha Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Galmudug kuwaas oo iska diiwaangeliyay gudigga doorashada Galmudug garab ka kooban 8da xubnood, Gudigaas ayaana weli ku dhaqmaya jadwalkii doorashada kaas oo ka dhigan in maalinka beri ah 00 ku beegan 30ka January ay qabanayaan doorashada xilka madaxweynaha Galmudug.

Fadhigaan waxaa shir gudoominaya gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal waxaana kasoo qaybgalay ku dhawaad 72 xildhibaan, dhanka kale Ahlu-sunah ayaa iyaduna ku dhawaaqday baarlamaan cusub iyadoo sheegtay dhankeeda in ay qaban-doonto doorashada Madaxtinimada Galmudug.

Ahlu-sunah, Musharaxiinta Mucaaradka ah iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaaa gebi ahaanba kasoo horjeeda hanaanka ay u socoto doorashada Galmudug, waxayna si isku mid ah DFS ugu eedaynayaan in ay afduubatay doorashadii Galmudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *