Dhakhaatiirta Gaalkacyo oo shaqojoojin saddex maalmood ah u bilaamatey

Published: September 11, 2023
Shares34

Dilka Dr Sakariye Cabdi Jaamac ayaa gilgiley guud ahaan Soomaaliya kadib markii aano qabiil darteed loogu dhex diley isbitaalkiisi oo ku yaala Gaalkacyo.

Waxaa maanta oo isniin ah bilowdey shaqo joojin saddex maalmood ah oo ay sameeyeen dhakhaatiirta ka hawlgala magaalada Gaalkacyo.

Mudaaharaadka ay sameeyeen dhakhaatiirta ayaa salka ku haysa kadib markii nin dhakhtar ah oo jooga goobtiisi shaqo loogu diley aano qabiil fiidnimadii Axadda.

Saddex nin oo hubeysan ayaa gudaha u galay xarun caafimaad oo ku taala gaalkacyo waxaana ay u socdeen aano qabiil ama dil horey u dhacay in ay ka aargutaan, halkaas waxay ku dileen Dr Sakariye oo ka dhashey beesha ay raadinayaan.

Dhakhaatiirta Gaalkacyo ayaa sheegay marka laga reebo wixii xaalad degdeg ah in saddex maalmood oo mudaaharaad ah galayaan, taas oo ay ku dalbanayaan in la soo qabto kuwii dilka foosha xun geystey, sidoo kale la dhawro amniga dakhaatiirta o ah kuwo bulshada u shaqeeya oo u dhex ah.

Horseed Media