Dhismaha Golaha Deegaanka ee Boosaaso oo cakiran

Published: October 3, 2023
Shares24

Waxaa maanta oo talaada ah lagu wadey in la dhiso maamulka degmada Boosaaso oo golihiisa deegaanku ka kooban yahay 33 Xildhibaan oo ka kala tirsan 6 urur siyaasadeed.

Xisbiga Mideeyey ayaa ugu xilhdibaano badnaa waxaana ay helen 13 Xildhibaan waxaa ku xigen Kaah oo helay 9 xildhibaan, halka afarta xisbi oo kale isku dar lee yihiin 11 xildhibaan.

Ilaa hadda mid kamid ah soddonkii degmo ee doorashadu ka dhacdey mid loo tartamey Guddoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa ma jirto, waxaana soo magacaabayey Guddoomiyaasha ururada siyaasadda, kadib markii Xeerkii gobolada iyo degmooyinka la beddeley bishii Agoosto 2023, saddex bilood kadib markii doorashadu dhacdey oo natiijadu soo baxdey, laakiin aan mamaulka la dhisin.

Xisbiyada Kaah, Sincad, Ifiye iyo Mustaqbal oo kala qaybsan ayaa wada gaarey heshiis ah in ay wada dhistaan Boosaaso, si meesha looga saaro aqlabiyada Mideeye, taasi waxay keentey khilaaf kala dhex gala Xildhibaanadii la doortey kuwaas oo badankood ka soo horjeesteen.

Waxaa hoolka goblka bari ku sugannaa saacaddu markey ahayd 12:30pm ee talaadada, Guddoomiyaha gobolka, Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha Maxamed Axmed Kulan, wasiirka biyaha Caarshe iyo qaar kamid ah guddoomiyaasha xisbiyada siyaasadeed.

Weriyaasha ayaa soo arkey ilaa 12 Xildhibaan oo ka mid ah 33 da Xildhibaan ee golaha deegaanka Boosaaso, Miisaska waxaa saarnaa kitabtii lagu dhaarin lahaa, laakiin ilaa hadda uma dhawa xitaa in kooromku buuxsamo.

Habraaca Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ah in kalfadhiga ugu horeeya ama marka ugu horeeya ee la fariisinaayo Golaha deegaanku ay xaadir yihiin 2/3, taas oo ka dhigan 22 Xildhibaan.

Ugu yaraan 21 Xildhibaan ayaa banaanka ka jooga, kuwaas oo doonaya in doorasho sanduukh ah la qabto, haddii lagu heshiin waayey isbahaysi oo Mustaqbal kala qaybsan yahay laba heshiisna ay kala saxiixeen guddoomiyaha yo ku-xigeenkiisu.

Waxaa la is weydiinayaa in12-ka xildhibaan la dhaarin doono kadibna lagu dhawaaqi doono doorasho ka dhacdey hoolka gobolka Bari, halka la filaayo Xildhibaanada kalena in ay doorasho qabtaan sidaasna magaaladu ku yeelato laba maamul oo is barbar socda.

Sidaan oo kale ayaa ka dhacdey degmada Waaciye ee gobolka Karkaar, waxaana la dhaariyey Xildhibaano ka yar kooramka, kadibna laba doorasho ayaa ka kala dhacdey.

Si kastaba ha ahaa tee dimoqraadiyadii dadku ay safafka u galeen qoraxdana u taagnaayeen ayaa ku dhamaaneysa magacaabidda guddoomiyaasha iyada oo aan wax doorasho ah dhicin.

Horseed media