Dhinacyada ku dagalamaya Suudaan oo ku heshiiyey xabbad joojin saddex maalmood ah

Published: April 25, 2023
Shares22

Dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan ayaa ku heshiiyey xabbad joojin 72 saacadood ah ka dib dhexdhexaadintii Maraykanka, sidaas waxaa sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken. Dhanka kale, dalalka qaarkood ayaa sii wada daadgureynta muwaadiniintooda, iyadoo ay sii kordheyso cabsida ay qabaan dadka laga tagay.

Ciidamada Sudan ee dagaalka kula jira ciidamada Birmadka ee loo yaqaan Rapid Support Forces (RSF) ayaa ku heshiiyey xabbad joojin 72 saacadood ah, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken fiidnimadii Isniinta.

Kadib wada xaajood xooggan oo socday 48-kii saac ee la soo dhaafay, Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) iyo Ciidamada Birmadka (RSF) waxay ku heshiiyeen in la dhaqan geliyo xabbad-joojin dalka oo dhan ah oo bilaabanaysa saqda dhexe ee Abriil 24-keeda, soconaysa muddo 72 saacadood ah,” ayuu yiri Blinken.

Sagaal maalmood oo dagaal ah ayaa lagu dhawaaqay ugu yaraan saddex heshiis oo xabbad joojin ah, midna si buuxda looma dhaqangelin

Si kastaba ha ahaatee, dagaalada oo ka awood yaraa sidii hore usbuuca dhamaadkii ayaa oggolaatay hawlgallo daadgureyn oo kala duwan in ay ka bilowdaan dhulka, badda iyo hawada.

Blinken wuxuu sheegay in Maraykanku uu la shaqayn doono saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, iyo sidoo kale daneeyayaasha rayidka ah ee Suudaan “si ay u taageeraan xabbad joojin rasmi ah.”

Israa’iil ayaa u soo bandhigtay dhinacyada isku haya Suudaan inay martigeliso wadahadal si ay u sameeyaan xabbad joojin waarta.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Eli Cohen ayaa hadal uu soo saaray oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegay in mas’uuliyiin sare oo Israa’iiliyiin ah ay hormuud ka ahaayeen dadaallo dhexdhexaadin ah oo “aad u rajo leh” dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Israa’iil iyo Suudaan ayaa bishii Febraayo ee la soo dhaafay dib u cusboonaysiinayey xiriirkooda.

Dowladaha carabta ayaa iyaga lagu eedeynayaa qaarkood in ay qayb ka yihiin colaada Suudaan.

Horseed Media