Dhinacyada Yemen oo maxabiis badan is dhaafsanaya

Published: October 15, 2020

Dalka Yemen waxaa ka dhacaya labada maalmood ee soo socda isdhaafsiga maxaabiistii ugu badneyd.

Boqolaal maxaabiis ah ayaa lagu sii deyn doonaa isdhaafsiga maxaabiista ee ugu weyn ee dhexmara dhinacyada ku dagaalamaya Yemen tan iyo markii uu dagaalka sokeeye qarxay sanadkii 2015. In ka badan 600 oo ka mid ah fallaagada Xuutiyiinta iyo 400 maxbuus oo ka tirsan dowladda ayaa la filayaa in lasii daayo labada maalmood ee soo socota.

Isweydaarsiga maxaabiista ayaa la xaqiijiyay intii lagu jiray wadaxaajoodka ay Qaramada Midoobey kormeeraysay ee Switzerland bishii Sebtember.

Maxaabiista ayaa lagu soo daabulaa diyaarado. Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC), oo dusha kala socda isdhaafsiga maxaabiista, ayaa sheegay in shan ka mid ah diyaaradahoodu ay ka kaceen caasimadda Sanca iyo magaalooyinka Abha iyo Seiyoun subaxnimadii Khamiista.

Dhamaadkii 2018, fallaagada Xuutiyiinta ee Iiraan taageerto iyo dowladda la aqoonsan yahay oo ay taageerayaan xulafada uu Sacuudigu hoggaamiyo, waxay ku heshiiyeen in la siidaayo guud ahaan 15,000 oo maxaabiis ah, laakiin heshiiskaas weli lama dhaqan gelin. Wadahadallada nabadeed waxaa lagu qabtay magaalada Stockholm.

Colaadda Yemen ayaa soo socotay muddo shan sano iyo bar ah, waxaana dagaalladaas ku dhintay in ka badan 100,000 oo qof.

Dagaalkii sokeeye wuxuu horseeday waxa ay Qaramada Midoobey ku tilmaamtay dhibaatada bini’aadanimo tii ugu xumeyd adduunka soo marta kadib dagaalkii labaad ee Adduunka.

Qiyaastii boqolkiiba sideetan dadka Yemen waxay ku tiirsan yihiin gargaarka caalamiga ah, sida cuntada iyo daawada.

Abdkirizak Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *