Dhulgariir cabirkiisu yahay (7.6) Oo Ku Dhuftay Dalka Japan

Published: January 1, 2024

Ku dhawaad ​​32,500 oo guri oo ku yaal ismaamulka Ishikawa ee dalka Japan ayaa lumiyay korontada, sida ay sheegtay Kyodo news, iyadoo soo xiganeysa dowladaha hoose.

Dowladda Japan ayaa ku boorisay dadka deggan goobaha dhulgariirka kudhuftay inay “si degdeg ah uga guuraan” goobahaas ka dib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 7.6 uu ku dhuftay gobolka dhexe.

Maamulka ayaa sidoo kale soo saaray digniino tsunami ah oo ku wajahan ismaamulada dariska ah ee Niigata iyo Toyama, halkaasi oo ay sheegeen in mawjadaha ay gaari karaan ilaa 3m.

Telefiishanka dadwaynaha ayaa far waaweyn ku qoray “kabaxa goobta”, isaga oo dadka ku booriyay in ay u cararaan dhulka sare in kasta oo qabow jiro.

Horseed Media