
Ciidamada Dowladdafederaalka ayaa sheegtay in ciidamada Xooga Dalka iyo shacab hubeysan ay qabsadeen magaalada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo horey gacanta ugu jirtay kooxda Al-Shabaab.
Ceelgaras ayaa ka mid ahayd magaalooyinka al-Shabaab mudada dheer haysteen, waxaana qiyaastii 63km Koonfur bari uga beegatey Dhuusamareeb.
Warka qabashada Ceel-garas oo ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay iminka “halkaas ka wadaan howlgal sifeyn ah.”
Warbaahinta dowladda ayaa intaas ku dartay in ciidamada ay u suurta-gashay qabsashada magaaladan kadib markii ay ka baxeen maleeshiyada Al-Shabaab.
Kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadal warka ku saabsan in Ceelgaras ay ka baxday gacantooda, taasi oo dowladda ay ugu yeertay “guul-weyn oo laga gaaray” dagaalka Al-Shabaab.
Horseed Media