Dibad-baxyo looga soo horjeedo baabi’inta ciidamada Liyuu Boolis oo weli ka socda Itoobiya

Published: April 10, 2023

Mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo dawladda Itoobiya ayaa weli ka socda gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya.

Mudaaharaadyadan ayaa ka dhashay tallaabo ay dawladda federaalku ku doonaysay in ay ku kala dirto ciidamada gaarka ah ee Amxaarada ee (ASF).

Cutubkan ayaa ka tirsanaa ciidamada gaarka ah oo si firfircoon uga qayb qaatay dagaalkii sokeeye ee labadii sano ee u dambeeyay ka socday dalka Itoobiya.

Waxaa jiray mudaaharaadyo ka dhacay ugu yaraan toban magaalo oo gobolka ah dhamaadkii isbuucii hore, kuwaasoo dibad baxayaashu ay ku qaylinayeen qaylo-dhaan ay ku cambaaraynayaan maamulka.

Iska horimaad u dhexeeya ciidamada iyo ASF, ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay meel u dhow magaalada Kobo, oo ku dhow xuduudka Tigrayga.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa waxaa jiray hadallo dhowr ah oo mudaaharaadyada sii kiciyey, oo uu ka mid ahaa Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, oo Axaddii wacad ku maray inuu sii wadi doono fulinta qorshaha “xitaa haddii ay ugu kacayaan wax weyn”.

Horseed Media