Dibadbaxyo Isniintii labaad ka dhacay magaalooyin ka tirsan dalka Kenya

Published: March 27, 2023
Shares24

Booliska ayaa maanta sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryey dibad-baxayaal kasoo horjeeda dowladda Kenya oo ka cabanaya sare u kaca qiimaha nolosha.

Dibad-baxyada maanta ayaa yimid kadib markii mucaaradka ay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan mudaaharaadyada inkasta oo booliska ay mamnuuceen.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, ayada oo booliska rabshadaha ka hortaga la dhigay baraha muhiimka ah ee Nairobi iyo waddooyinka, halka dukamo badan la xiray, lana hakiyey adeegyada tareenada ee duleedka magaalada.

Hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga ayaa dadka ugu baaqay inay isu soo baxaan Isniin iyo Khamiis kasta, xitaa haddii dibad-baxyadii dhacay toddobaad kahor ay isku beddeleen rabshado, islamarkaana curyaamiyeen qeybo ka mid ah Nairobi.

Horseed Media