Dibadbaxyo rabshado wata oo ka socda dalka Lubnaan

January 19, 2020
Horseed Staff

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Bayruut ee caasimada dalka Lubnaan waxaa sii xoogaysanaya dibad-baxyo shacabka dalkaasi ay ku doonayaan isbadalo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

Ciidamada ammaanka oo isku dayaya inay kala eryaan dibadbaxayaasha ayaa adeegsanaya sunta dadka ka ilmaysiisa iyo biiyo kulul.

Inta la xqiijiyey 12 ruux ayaa dhaawacyo culus ay ka soo gaareen faageereyaasha isu soo baxyada ay ka socdaan. dowladda ayaa lagu eedaynayaa inay awood u adeegsaneyso shacabka.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in Internet-ka iyo korontada dalka oo dhan la jari doono, hadii shacabka aysan dib ugu laaban guryahooda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *