Diiwaan gelinta musharaxiinta guddoonka baarlamaanka oo Muqdisho ka bilaawatay

Published: January 3, 2017

Xaruunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday diiwaan gelinta musharaxiinta guddoonka barlamaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Diiwaan gelinta musharaxiinta u taagan guddoonka baarlamaanka ayaa lagu wadaa in xarunta golaha shacabka ay ka socota ilaa 4 bishan Janaayo ee 2017 , waxaana xigi doona soo jeedinta khudbadaha musharax walba oo u tagan xilkaasi.

Doorshadan ka dhacayso Soomaaliya ayaa ah doorasho ku cusub dadka iyo dalka, weyna ka loolan adagtahay kuwii horey Soomaaliya uga dhacay.

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku kala sugan dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ayaa indhaha ku haya doorashada ka bilaawanaysa magaalada Muqdisho ee lagu dooranayo guddoonka cusub ee labada aqal, ku xigeenadooda iyo madaweynaha Soomaaliya.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *