Dilka Khabiirkii Nukliyeerka ee IRAN oo lagu eedeeyey Israel

Published: November 28, 2020

Madaxweynaha Iran Xasan Rowhani ayaa dilkii khabiirkii ugu weynaa ee Iran u qaabilsaan Barnaamijkooda Nukliyeerka Dr.Mohsen Fakhrizadeh, ku eedeeyey Israel.

Mohsen ayaa shalay-galab lagu dilay weerar qorsheysan oo ka dhacay duleedka bari ee caasimada Tehran, weerarkaasi ayaa loo adeegsaday gaari bambaano lasoo saaray oo lagu qarxiyey nawaaxiga uu marayey gaariga siday mas’uulkaasi, qarax halkaasi ka dhacay kadib ayey koox hubeysan rasaas la beegsadeen gaariga sida Mohsen Fakhrizadeh iyo illaaladiisa.

Warbaahinta Iran ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyey hadalka kasoo baxay Madaxweynaha Iran oo weerarkan argagaxinta ah ku eedeeyey Israel.

Wasaarada Gaashaandhiga Iran ayaa xalay war ay soo saartay ku sheegtay inay si adag uga aargudan doonto cida ka danbeysa weerarkan.

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sanadkii 2018 ku eedeeyey Mohsen Fakhrizadeh inuu yahay maskaxda maamusha Barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, sirdoonka Mossad ee Yahuuda ayaa sidoo kale la sheegay in muddo 10 sano ah baadi-goobayeen sidii ay ku khaarajin lahaayeen khabiirkaasi.

Israel ayaa horey loogu eedeeyey inay sidan weeraro khaarajin ah ku dishay ugu yaraan 8 cilmi-baarayaal u dhashay Iran oo lagu tuhunsanaa inay qeyb ka ahaayeen mashaariicda qarsoodiga ah ee Militariga Iran.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay xili rajo laga qabay in Dowlada Maraykanka ay dib usoo nooleyso heshiiskii lalagalay Iran ee Barnaamijka Nukliyeerka oo uu burburiyey Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Donald Trump.

Xoghayaha Arrimaha Dibada oo todobaadkii hore booqasho ku tagay Sacuudiga ayaa kala hadlay arrimaha Iran

Israel iyo Sacuudiga ayaa horey uga digay dowlada Maraykanka inay markale xiriir la sameyso Tehran, iyagoo si weyn u taageersanaa cadaadiska Trump ku hayey Iran, hase yeeshee Joe Biden Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal cusub oo lala galo Iran.

Netanyahu iyo Madaxa Mossad oo si qarsoodi ah ku tagay Sacuudiga si uu ugala hadlo iskaashigooda ka dhanka ah Iran

Dilka Khabiirkan muhiimka u ahaa Iran ayaa sidoo kale lagu soo beegay todobaad kadib markii la sheegay in kulan qarsoodi ah ay dalka Sacuudiga ku yeesheen Benjamin Netanyahu iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Donald Trump ayaa dhankiisa isku dayey in kadib markii looga guuleystay doorashada uu weerar ku qaado dalka Iran si uu u abuuro xiisad cusub ee Barigga Dhexe, balse arrintaasi ayaa la sheegay inay diideen Militariga Maraykanka oo sheegay in xiligan weerar noocaas ah ku qaadi karin Iran.

Weerarkan ka dhacay Tehran ayaa lagu sheegayaa inuu lahaa labo waji oo ah in Israel ka faa’iideysato kahor inta uusan xilka ka degin Madaxweynaha Maraykanka Trump, inay khaarajiso mas’uulkan reer Iran si loo hakiyo mashaariicdii uu gacanta ku hayey, dhinaca kalena lagu khasbo Iran inay jawaab adag bixiso si loo dilo rajadii laga qabay wadahadal dhexmara dowlad cusub ee Maraykanka iyo Iran.

Dhinaca kale Israel waxay todobaadkan labo goor duqeyn la beegsatay saldhigyada ciidamada Iran ku leeyihiin gudaha dalka Siiriya, weeraradaasi oo qeyb ka ah qorshaha Netanyahu ku cadaadinayo Iran inay qaado weerar jawaab ah.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *