Israel oo markii 2aad asbuuc gudihiis duqeysay Dimishiq, Syria

Published: November 25, 2020

Dowlada Siiriya ayaa maanta oo Arbaca ah sheegtay in Militariga Israel ay duqeeyeen koonfurta magaalada Dimishiq, duqeyntan oo noqoneysa middii labaad oo todobaad gudihiisa ah oo ay ciidamada Israel la beegsadaan nawaaxiga caasimada Siiriya.

Yoolka duqeyntan ayaa la sheegay inuu ahaa saldhigyada ciidamada Siiriya iyo kuwa Iran ay ku leeyihiin nawaaxiga dhulka buuraleyda ah ee Golan, saldhigayadaasi oo ay yaalaan gantaalada lidka diyaaradaha.

Militariga Siiriya ayaa sheegay in aysan wax khasaaro ah geysan duqeyntan, halka Israel ay ka gaabsatay inay ka hadasho weerarkan.

Israel ayaa bilihii lasoo dhaafay dardargelisay weerarada ay ku qaadeyso gudaha dalka Siiriya, iyadoo ka cabsi qabta ciidamada Iran ee gacanta siiya Xukuumada Bashar Al Assad.

Maamulka Maraykanka ee Donald Trump oo doorashada looga guuleystay ayaa la rumeysan yahay inay horey heshiis qarsoodi ah kula jireen Israel inay weeraro noocaan ah ku qaado Siiriya, tani oo qeyb ka ah cadaadiska Trump doonayey inuu saaro dowlada Iran.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *