Diyaar garowga wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ka socda gobolka Hiiraan

Published: March 28, 2023
Shares10

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaan macawiisleyda ayaa gobolka Hiiraan ka wada dhaqdhaqaaq xooggan oo dhan ah Al-shabaab.

Dhaqdhaqaaqan ayaa loogu diyaar garoobayaa sidii loo bilaabi lahaa wejiga labaad ee howlgallada la doonayo in Al-shabaab looga saaro lahaa deegaannada gacantooda ku harsan ee dhanka Wabiga Shabeelle.

Degmooyinka Gobolka Hiiraan waxaa lagu diyaariyay dhalinyaro u badan kuwa deegaanka waxaana la howlgallada Ciidamada Dowladda Federaalka & Daraawiishta DG Hir-Shabeelle sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolkaas.

Dhaqdhaqaaqan ayaa waxa uu ku soo aaday Xilli dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu degmada Aadan Yabaal kaga dhawaaqay bilaabashada wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Horseed Media