Diyaarad Qaramada Midoobay Leedahay Oo Ku Degtay Deegaan Ay Haystaan Kooxda Alshabaab

Published: January 10, 2024

Diyaarad helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay kana kacday Baladwayne kuna sii jeeday degmada Wasil ayaa ku dhacday baadiyaha deegaanka Xiindheere oo ay heystaan Kooxda Shabaab.

Dadka diyaaradda saarnaa ayaa kala ahaa Askari Soomaali ah, kalkaaliso Yuugaaandhays ah, dhaqtar Masaari ah, laba ruux oo u dhashay dalka Kenya iyo afar ruux oo ahaa shaqaalaha diyaaradda oo u dhashay dalka Ukraine.

Wali xog dheeri ah lagama helin diyaaradda oo la sheegay inay cillad ku timid darteed caga dhigatay goob ay ku sugan yihiin ururka al Shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay waddo dadaallo looga jawaabayo shilkan, isla markaana ay kku howlan tahay ururinta macluumaad dhammeystiran oo la xiriira shilka diyaaraddan.

Horseed Media