Diyaaradda Fly Dubai oo bilowday Duulimaad toos ah oo isku xiri doona Magaalooyinka Muqdisho iyo Dubai

Published: March 9, 2023
Shares32

Diyaaradda Fly Dubai oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta si rasmi ah u bilowday Duulimaad toos ah oo Dubai ilaa Muqdisho ah.

Duulimaadyada Fly Dubai ayaa la ballaarin doonaa 1-da bisha June ee sanadkaan sida ay sheegtay Warbaahinta Dowladda Soomaaliya.

Diyaaradda ayaa duulimaadyo ku tagi doontaa Magaalooyinka Muqdisho, Hargeisa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Khartoum, Jubba, Asmara iyo Addis ababa.

Diyaaradda Fly Dubai ee Boeing 737 Max ayaa isku xiri doonta Ganacsiga iyo Dalxiiska ee dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka carabta.

Horseed Media