Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine oo waxyeello u geystay wershadaha saliidda ee Ruushka

Published: March 13, 2024
Shares32

Dalka Ukraine ayaa maalintii labaad weerar culus ku qaaday xarumaha Ruushka ee saliida laga soo saaro, taasoo sababtay in uu dab ka kaco warshada ugu wayn ee Rosneft, madaxwayne Vladimir Putin ayaa falkan ku sheegay isku day lagu carqaladaynayo doorashada madaxtinimo ee dalkiisa ka dhacaysa todobaadkan.

Ruushka iyo Ukraine labaduba waxay adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay u duqeeyaan kaabayaasha muhiimka ah iyo saldhigyada militariga, iyada oo Kyiv ay kordhisay weerarada ka dhanka ah warshadaha Ruushka iyo xarumaha tamarta bilihii la soo dhaafay.

Ilo-wareed ka tirsan Ukraine ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in weerarrada ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones-ka ay lahaayeen waaxda ammaanka ee Ukraine ee SBU. “Waxaan si nidaamsan u hirgelineynaa istaraatiijiyad faahfaahsan, oo la xisaabiyey si loo yareeyo awoodda dhaqaale ee Ruushka,” ayuu yiri isha.

Ciidamada difaaca Ukraine, ayaa sidoo kale ilo wareedkan ku daray in ay sidoo kale habeen hore weerarro aan duuliye lahayn ku qaadeen saldhig ciidamada cirka Ruushka ku leeyihiin Buturlinovka iyo garoon milatari oo ku yaalla gobolka Voronezh.

Duqeymaha lagu hayo wershadaha sifaynta ayaa awood u leh inay hoos u dhigaan wax soo saarka Ruushka ee shidaalka iyo naaftada, isla markaana sare u qaadaan qiimaha. Ruushka ayaa xayiraad lix bilood ah saaray dhoofinta shidaalka 1-dii Maarso.

Horseed Media